DEG DEG: Ciidamo Taabacsan Jawaari oo Xoog kula Wareegay Xarunta Golaha Shacabka

Reading Time: < 1 minute

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamo hubeysan oo taabacsan Afhayeenka BFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ay xoog kula wareegeen guud ahaan xarunta Golaha Shacabka ee M/ Muqdisho.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa in ay isku geedaameen xaruntaasi, islamarkaana ay ka wadaan halkaasi dhaq dhaqaaqyo xoogan.

Xiisada aya ah mid kacsan, iyadoona lagu wado saacadaha soo socda in uu furmo kulanka Golaha Shacabka oo looga doodayo Mooshinka ka yaalla guddoomiye Jawaari, inkasto Xildhibaanadu ay ku kala aragti duwan yahiin Ajandahaasi.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!