DEG DEG: Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowlada oo ku dagaalamay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya uu goor dhoweyd iska hor imaad xoog leh ku dhex maray magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadan ayaa ku dagaalamay Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodon, iyadoo rasaas culus oo ay is-weydaarsadeen ay gaartay meelo ka baxay aaggaasi, waxaana magaalada laga maqlay daryanka rasaas ka dhaceysa Qoryaha boobayaasha culus.

Laba ciidan ee isku dhacay ayaa wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inay ka kala tirsan yihiin ciidamada milateriga iyo kuwa xasilinta.. waxaana la sheegay inuu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac leh…

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…