Sida aay sheegayaan warar aan ka helnay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, Waxaa caawa Ciidamada ka amarqaata Wasiirka Amniga & RW Rooble ay la wareegayaan Xarunta nabadsugida Habar Khadiijo, Taliska Gobolka Banaadir.
Ciidamadan ayaa xirtay Ceelgaab ilaa xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, waxayna ku hubeysan yihiin hub culus iyo gawaarida Gaashaaman oo ka badan 50 tikniko ah.
Ciidamadan ayaa u badan ciidamadii Badbaado Qaran oo bishii April ka gadooday markii uu Madaxweynihii hore isku dayay in uu sameysto muddo kororsi sharci darro ah.
Ciidamada ayaa si asluubeysan ula dhaqmaya shacabka maraya waddooyinka aay ku sugan yihiin sida aan xogta ku helnay.