Deg Deg: Ciidamo Gadoodsan oo la wareegay Bankiga iyo Rasaas la maqlaayo (Faah-faahin)

Reading Time: < 1 minute

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa waxaa saakay la sheegay inay la wareegeen Xarunta Bankiga dhexe Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland.

Ciidamada la wareegay Xarunta Bankiga dhexe Boosaaso ayaa waxaa la sheegay inay ka cabanayaan Mushaar la’aan soo wajahday Bilooyinkii ugu dambeeyay,isla markaan saakay waabarigii horey halkaasi la wareegeen.

Hayeeshee Ciidamada ayaa rasaas xoogan oo rideen waxaa ku istaagay isku socodka dadka iyo Ganacsiga,balse markii dambe uu dib u soo laabtay.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ee ku sgan halkaasi ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamadii godoodsanaa ee saakay la wareegay Xarunta Bankiga dhexe Magaalada Boosaaso ay dib uga laabteen,kadib markii loo balan qaaday in la siin doono Mushaaraadkooda ay xaqqa u leeyihiin