Deg Deg: Ciidamo caawa la wareegay qaybo ka mida Magaalada Muqadishu

Reading Time: 2 minutes

Qaar kamida ciidamada xooga dalka ayaa waxa ay caawa la wareegeen qaybo ka mida magaalada  Muqadishu, gaar ahaan koonfur bare ee magalaada oo ah degaanada ku beegan   tarabuunka, Jamacada, xaruntii hore ee bangiga dhiiga, Siliga Maraykana, iyo wadada isku xirta Ex-Kontorol.

Ciidankaan oo ku hubeysay hubka qaybihiisa kala duwan ayaa waxa la arkayay iyaga oo aagag ka sameeysay wadooyinka ku beegan degaanadaas. Waxaa wadooyinkaas lagu gooyay cagaf-cafag iyo dhagxaan. Sidoo kale waxaa  dhismayaasha degaankaas  ku yaalo la saaray ciidan ku hubeysan dahajeexyo iyo qorayaha lidka diyaaradaha. Waxaa sidoo kale ku soo qul-qulaya degaankaas ciidan ka soo baxay jiida hore ee dagaalka ee shabeelada dhexe.

Xaaladaan dagaal ayaa ka dhalatay ka dib markii gudi uu Magacaabay Xassan Kheyre oo loo xilasaaray soo celinta hantida qaranka, gudoomiyana looga dhigay Cabdullahi Godah Bare ay u qabteen dadka ku nool degaankaas in ay kaga guuraan goobahaas mudo hal asbuuc ah oo ku eg  bisha Juun labadeeda.

Degaanka la armary in laga raro dadka degan ayaa waxa intooda badan degan qooysaska ciidanka xooga dalka iyo dad masakiin ah oo intooda badan aan awoodin in ay halkaa uga guuraan si dhaqso ah.

Dadka degaanka ayaa waxa ay la xiriireen Wasiirka Arimaha Gudaga Eng Sabriye, wasiirka ayaa sheegay in uusan wax war ah u haynin arintaan. Sidoo kale waxa ay la hadleen Senator cabdi Qaybdiid oo isagana sheegay in uusan la socon dagaalka lagu soo qaady dadka ku dhaqan deegaankaas.

Dowlad Fedraalka ayaa horay ugu fashilantay in dadka degan waqooyiga Muqadishu gaar ahaan xaafadaha Mariina xoog looga sooro degaankaas. Dadka ku dhaqan waqooyiga Muqadishu ayaa awood ciidan isaga caabiyay weerarkii lagu soo qaaday.Dadka degaanka ayaa qabsaday qareeno iyo sharci yaqaan si ay maxkamad u tagaan laakiin dowlada ayaa diiday in ay sharciga soo marto.

Maxaa u diiday in dowlada ay marto wadi sharci  ah in ay hantida dowlada ku soo celiso halkii ay awood ciidan oo qabiilaysan u adeegsan lahayd dad si sharci u degan deeganadooda? Dhanka kale maxaa iyada keenay in beelo gaar ah la bartilmaansado halka beelaha qaarno ay ku nool yihiin  ama ay xoog ku haystaan xarumihii ciidanka Xooga Dalka sida degaanada Dayniile oo laga mamnuucay in madaxda ciidan in ay tagaan.