(Deg Deg) Ciidamada Jubbaland oo dagaal kula wareegay magaalada Balad Xaawo

Reading Time: 2 minutes

Ciidanka Jubbaland ayaa caawa abaarahii 2:30 la wareegay gacan ku haynta magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo. Dagaal ka dhacay halkaas ayaa CXDS ee ku sugan magaalada Balad Xaawo aay iska caabin kari waayeen ciidamada Jubbaland oo soo weeraray.

Goobjoogayaal aay MOL la hadashay ayaa noo xaqiijiyay in ciidanka Jubbaland aay gebi ahaanba gacantooda aay ku jirto magaalada Balad Xaawo, halka CXDS aay bannaanka uga baxeen magaalada.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Kenya weerarkii caawa looga qabsaday magaaalada Balad Xaawo ee ku taal xuduudda labada dal ay wadaagaan.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheeegay in “jabhad ay soo hubeysay” Kenya ay soo weerartay ciidanka Soomaaliya ee ku sugan Beledxaawo, kuwaas oo weerarka iska caabiyey, sida qoraalka lagu sheegay.

“Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay cadaynaysaa in Jabhaddii fallaagada ahayd ee ay soo hubaysay Dowladda Kenya oo caawa u soo tallowday xuduudda Soomaaliya ayaa soo weerartay Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled Xaawo. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si geesinimo leh ugu jilib dhigay duulaankaas sharci-darada ah ee shisheeyuhu soo abaabulay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaan si adag u cambaaraynaynaa duulaankaas gardarada ah ee laga soo abaabulay gudaha dalka Kenya kaas oo qilaafsan maslaxadda nabad ku wada noolaanshaha shucuubta Gobolka iyo xeerarka caalamiga ah ee ku dhisan is xaq-dhawrka iyo ilaalinta madaxbaanaanida qaranimo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wararka aan ka heleyno Beledxaawo ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dagaal culus kadib markii halkaas ay saqdii dhexe ay duullaan ku soo qaadeen Ciidamada Cabdirashiid Janan. Wararka ayaa sheegaya in xaafado ka mid ah Beledxaawo qabsadeen ciidankaas.

Eedeynta culus ee caawa ka timid dowladda federaalka iyo weerarka Cabdirashiid Janan ayaa kasii dari doonta xiisadda ka dhex-oogan labada dal, xilli ay toddobaadyadii dhowaa jireen wa-xoogaa isu soo dhowaasho ah.

Hoos ka aqriso qoraalka DF Soomaaliya ka soo saartay