Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose oo uu ku sugnaa Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax oo ka mid ah saraakiisha ururka ONLF, kaas oo sanadkii 2017-kii ay dowladda Soomaaliya u gacan galisay dhigeeda Itoobiya.
Cabdikariin Sheekh Muuse aya soo gaaray magaalada Muqdisho isagoo ka soo safray magaalada Kismaayo maanta. Sida ay xogta sheegeyso Villa Somalia aya isku dayday in ay hor istaagto imaatinka Qalbi dhagax ee Muqdisho oo lagu wado in ay maalinta Axadda ah ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha.
Ujeedka safarkiisa magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in uu ka qeyb gali doono doorashada madaxweynaha oo la filayo inay dhacdo 15-ka bishaan May, iyadoo imaanshihiisa Caasimada ay noqoneyso kii ugu horreeyay tani iyo markii dowladda Soomaaliya ay u gacan galisay Xukuumadda Adis-ababa.
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliyana sanadkii 2017-kii wuxuu sharci darro ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay Ethiopia u dhiibto Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka tirsanaa saraakiisha ururka ONLF, wuxuuna u saaray guddi soo baaro qaddiyadda Qalbi-dhagax.
Wuxuuna baarlamaanku xilligaa sheegay in hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugiddu ay kaligeed maareysay gudbintii Qalbi-Dhagax, iyadoo hay’addu aanay madaxda sare siin xog rasmi ah.
Ilaa 5 sargaal oo kale oo sarsare ayaa 20-kii sano ee la soo dhaafay laga qabtay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo laga qabtay magaalooyinka Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacayo iyo Guriceel sida ay sheegeen ONLF. Waxaa sidoo kale jirey dad jabhadan ka tirsanaa balse aanan wax mas’uuliyad haynin jabhadan oo iyagana la dhiibay.