Maxaa ku soo kordhay Bom Gacmeedkii lagu weeraray saldhiga Booliiska Deg. Warta Nabadda?

Waxaa daqiiqado ka hor Bom gacmeed lagu weeraray Saldhiga Booliiska ee Degmadda  Warta Nabadda (Wardhiidley). Ninka weeraraka Geystay ayaa galay guri ku dhaw saldhiga degamada Warta Nabadda.

Ciidamadda Ammaanka waxay toogasho ku dileen Nin ka tirsan Kooxda Alshabaab oo Bam Gacmeed ku weeraray Saldhiga Booliska Wardhiigleey. Ninkan ayaa isku dayay inuu baxsado, balse markii ay hareereeyeen Ciidamadda Boolisku ayuu galay Guri Shacab, kadibna waxa uu diiday inuu is dhiibo, isagoo iska caabiyay Ciidamadda, balse ugu dambayn way toogteen Boolisku.

Advertisements
Xayeeysiin