(Deg Deg)  Beesha caalamka oo ugu baaqay RW Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo in aay joojiyaan faragelinta qaawan iyo duminta ay ku hayaan maamul Goboleedyada.

Reading Time: < 1 minute

Beesha caalamka oo ugu baaqay RW Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo in aay joojiyaan faragelinta qaawan iyo duminta ay ku hayaan maamul Goboleedyada, balse Madaxweyne Farmaajo ayaa iska fogeeyay eedeyntaas, balse waxaa la hordhigay cadaymo arrinkaas muujinaya.

Ugu danbayntii Waxaa maanta Farmaajo khadka Taleefanka kula hadlay wasiirka Arrimaha Debeda Ingiriiska Borris Johnson, oo Farmaajo uga digay duminta maamul goboleed yada, isagoo u sheegay in ay bar madow ku tahay hogaankiisa in uusan dalka isku hayn kari la’yahay, maadaama uu duminayo maamul goboleedyada lagu soo tiir iyo tacab beelay.

Waxay dhamaantood ka codsadeen in uu faraha ka qaado shirka Kismaayo.

Dhinaca kale, Sanbalooshe ayaa fara marnaan kala soo noqday Itoobiya, ka dib markii lagu wargeliyey in Farmaajo uu Dawlada Itoobiya ka codsaday in aysan la macaamilin Dawlada Goboleedyada.

Shirka Kismaayo ayaa Hadii uu qabsoomi dhaawici doonaa hogaanka iyo sharciyada Madaxweyne Farmaajo.

Waxaana looga hadli doona arrimo badan oo xasaasi ah.

Waxay ku dhamaan doontaa in Beesha Caalamka ay Farmaajo iyo maamul goboleedyada dhexdhexaadiyaan. Farmaajo ayaa ku qasbanaan doonaa in labo arrin oo qaraar kala doorto.

1- In uu iska fogeeyo xubnaha sababay burburka iyo hurinta colaadaha siyaasadeed iyo Gudaha iyo Debedana sida Fahad Yaasiin iyo Taabit. Magacaabana Raysalwasaare iyo xukuumad la shaqayn karta, Baarlamaanka, maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, kasban karana Dawladaha deriska iyo kuwa Khaliijka.

2- Hadii ay taas dhici wayso wuxuu wajahayaa dagaal adag oo siyaasiyiinta, Dawlad Goboleedyada iyo beesha Caalamka ka wada shaqayn doonaan sidii xilka looga qaadi lahaa.