(Deg Deg) Baarlabaanka oo ansixiyey Heshiiska Kheyraadka ee RW Kheyre

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ansixiyey heshiiskii Baydhabo oo guddiga Kheyraadka Golaha maanta ay hor keeneen.

Heshiiska  Kheyraadka ayaa waxaa ka taagan Muran badan, waxaana kasoo horjeedda qaar ka mid ah maamul goboleedyadda.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa horay Heshiiskaan uga dooday, waxaana ugu dambeyntii maanta ay ku guuleysteen in la ansixiyo.

RW Kheyre oo shuruud ku xiray in uu is casilo oo maanta ay ansixiyeen BJFS. Shuruudda RW Kheyre aya ahayd in la ansixiyo heshiiska Kheyraadka iyo Batroolka si uu isku casilo. RW Kheyre oo ka mid ah saamileyda SOMA-OIL aya raba in uu dib ugu laabto shirkaddiisa si uu u iibgeeyo kheyraadka Batroolka Soomaaliya

Xildhibaanada ayaa sidoo kalena ansixiyey Heshiiska Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah kaasi oo Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka uu Baarlamaanka hor keenay.