(Deg Deg) AMISOM oo qarax lagula eegtay Muqdisho iyo rasaas xooggan oo ay ku fureen dad shacab ah

War hadda nasoo gaaraya ayaa sheegay in qarax xooggan ciidamada Amisom lagula eegtay isgoyska Ex-Control Baclad ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa uu ka dhashay miino dulka lagu aasay oo haleeshay kolonyo babauur ah oo ay la socdeen ciidamada Amisom.

Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ciidaamda Amisom kasoo gaaray qaraxa, hase yeeshee dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay rasaas ay fureen ciidamada Amisom kadib qaraxa.

Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here