Waxaa si lama filaan ah shaqada looga ceyriyay lataliyaha Gudoomiyaha Gobolka Banadir ee dhanka Saxaafadda Mudane Shadoor Xaaji Maxamud. Amarka xil ka qaadista Shador Xaji Maxamud waxaa bixiyay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socdo xabsiga la dhigo Shador Xaaji Maxamud sida ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada. Shadoor ayaa lagu eedeyay in uu xiriir la sameeyay Madaxweynhii hore Somaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud. Waxaa muuqata cid kastaa oo xiriir horay ula lahaan jirtay Xassan Shiikh ama la soo shaqeeysay in dabagal lagu sameeynayo, shaqo ceyrina lagu sameeynayo.
Halkan ka aqriso amarka ka soo baxay xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banadir