[Deg Deg] Akhriso “Shirkii Doorashooyinka oo la soo xiray & war saxaafadeed ka soo baxay”

Reading Time: 2 minutes

Waxaa magaalada Muqdisho maalintii lixaad ka socday shirka Golaha Wadatashiga  Qaran ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka, oo ay yeelanayaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Shirkan ayaa looga hadlayaa sidii xal looga gaari lahaa dhamaan tabashooyinka iyo khilaafadka ka dhashay doorashada dalka ka socota.

Madaxweynayaasha iyo xukuumadda ayaa hadda la sheegaya in inta badan ajendayaasha shirka xal ay ka gaareen, halka qaar kalena weli la isku mari la’yahay una badan tahay in halkooda looga tago.

Shirka oo goor dhaweyd la soo xiray ayaa waxaa ka soo baxay War Murtiyeed ka kooban ilaa 18 qodob.

Waxaa lagu heshiiyay in Doorashada Aqalka Hoose lagu soo afjaro muddo 45 maalmood ah taasoo ku eg 25 Febraayo ee sanadka 2022.

Halka Hoose ka akhriso Warmurtiyeedka

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!