[DEG DEG] Ajaaniib lagu dilay weerarkii xerada Xalane

Reading Time: < 1 minute

Waxaa la soo geba-gabeeyay weerarkii ay Barqadii maanta dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen xirada Xalane oo saldhig u ah Safaaradaha Caalamiga ah ee ku yaalla Soomaaliya.

Weerarkan oo ay qaadeen laba dagaalame ayaa waxaa la sheegay in ay ka soo galeen dhinaca Al-baabka dhinaca Mariina geed oo xiga dhinaca Barxadda Is-kuul Boliisiya.

Khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaa la soo warinayaa in uu ku koobnaa labada ruux ee wararka soo qaaday iyo shan qof oo ah ajaaniib ka shaqeysa xerada Xalane, iyada oo ay gubtay kaalin Shidaal oo ku taalla gudaha Xirada Xalane.

Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay hor istaageen laba nin oo hubeysan oo weerar ku soo qaaday albaabka Marina Gate ee laga galo xirada Xalane, isaga oo sheegay in ay socdaan baaritaano goor dhowna ay la hadli doonaan warbaahinta.

Ururka Al-shabaab ayaa isagu sheegtay Mas’uuliyadda weerarka.