[Deg Deg] Agaasimihii Radio Muqdisho oo ku dhintay Qarax loogu xiray Gaarigiisa

Reading Time: < 1 minute
Qarax ka Dhacay agagaarka Baarlabaankii hore ee Muqdisho ayaa waxaa uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika oo Qaraxa loogu Xiray Gaarigisa meel aan ka fogeyn Xarunta Wasaarada Amniga ee Dagmada Shangaani.
Sidoo kale waxaa isna dhaawac uu soo gaaray Sharmarke Maxamad Warsame oo ah Agaasimaha TVga Qaranka oo lasocday Cabdicasiis Afrika.
Goobjooyayaal la hadlay MOL ayaa u sheegay in Cabdicasiis Afrika uu soo gaaray dhaawac weyn oo halis ah.
Kooxda Shabaab in muddo ah raadineysay Cabdicasiis Afrika, walow aanay jirin cid sheegatay Qaraxa, haddana waxaa dab badani is weydiinayaan sida aay ugu suurto gashay kooxda Shabab in aay qarax ku xiraan gaari yaalla faras magaalaha Muqdisho.
Wixii faahfaahin ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa
Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!