War hada nasoo gaaray ayaa sheegaya in goordhow xabsi guri laga dhigay Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifitaax cumar Xalane.
Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in xabsi guri laga dhigay Afhayeenka Gobalka Banaadir Xalane kadib markii la ogaaday inuu bixiyay codkii Ra’iisul wasaare khayre kaasi uu ku canaanayay Askari ka tirsan ciidanka loogu talagalay sugida Amniga Muqdisho.
Dhawaan ayaa waxaa la isla dhex marayay Codka Ra’isul wasaare khayre oo canaan kulul canaanaya Askari ka tirsan Ciidanka Xasilinta Muqdisho.
Waxaana siyaabo kala duwan uga hadlay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo sdiookale Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka iyagoona ku tilamaamay arinkaasi mid niyad jabin ku ah ciidanka Xooga dalka.
Warkaan waxii ku soo kordho kala soco Halkaan Insha allh