Waxaa socda abaabul ciidan ka gadooday isku daygii afgambi ee uu damacsanaa Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo abaabulkaas oo ka socdo qeybo kala duwan oo ka mid magaalada Muqdisho.
Waxaa laba ukala jabay ciidankii koofi casta ee Villa Somalia, kuwaasoo ka biyo diiday in laga hor istaago RW Rooble in uu galo xafiiskiisa.
Waxaa Waqooyiga iyo Koofurta Magaalada ka socda ciidamo is abaabulaya kuwaasoo qaarkood lagu arkay agagaarka Sayidka, halka qaar kalana aay soo degaan iskuulka 15 May iyo Taalada Daljirka dahsoon.
Waxaa Villa Somalia isaga cararay La taliyaha Amniga ee Madaxweynihii hore Fahad Yasin wuxuuna hadda ku sugan yahay Hotel Decale, waxaana ilo wareedyo la hadlay MOL aay noo sheegeen in uu isku diyaarinayo in uu dalka ka baxo.