Deeqdii Imaaraadka ugu deeqay abaaraha oo lagu iibinayo suuqyada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Gargaarka la xado maaha wax ku cusub Soomaaliya, laakiin waxaa nasiib xumo ah in deeqdii Imaaradka ugu deeqay dadka abaaruhu saameeyeen  ee uu  sida rasmiga ah ula wareegey Ra’iisal Wasaare Rooble in si aan qarsoodi ahaynin loogu  iibinayo Suuqayada magalaada Muqdisho iyo qaar kamida gobolada dalka.

Ma aha wax la qarinaayo in deeqdii Imaaraadka lagu iibinayo suuqyada  magaalada Muqdisho.  Way fududahay in la aqoonsado gargaarka bini’aadantinimo ee la musuqmaasuqay marka calanka deeq bixiyaha oo ka muuqdo deeqaha hadana la iibinayo, laguna iibinayo meel aan ka fogaynin xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble.

Bishii Janaayo ayaa dowladda Imaaraadka Carabta acunto iyo dawo ugu deeqday dalka Soomaaliya.