Deeq bixiyayaasha oo Qaati ka Jooga  Dawladda Somaliya ( Donor Fatigue)

Reading Time: 2 minutes

Dawladdaan waxay khasaare dhinaac kasta ha gelisay dalka waxayna dhulka la gashy horumar kasta oo uu dalku sameeyey iyo kii uu sameyn lahaa haddii hogaanku toosnaan lahaa.

Waxakasta oo wanaagsan oo ay dawladdii hore qabteen dawladda Farmajo way inkirtay, Waxayna hal hays ka dhigatay “ Markii ugu Horreysay”, intaas kuma ekaanine halkooda ayey uga tagtay wixii wanaagsanaa ee la soo qabtay waxayna eber ka soo bilowday waxyaabo badan oo ay haddii ay horay u sii wadi lahayd maanta loo aayi lahaa.

Haddaba habdhaqanka noocan ah waxaa uu keenay in beesha caalamaka ay ku wareerto qaabkii loola dhaqmi lahaa koox dawlad sheeganaysa oo hadana maanta oo dhan sheegaya warbixinno aan lagu kalsoonaan Karin, faan iyo igu sawir been ah.

Dawladdan waxyaabo socday oo miradhalkooda bilaawday  xelligaan ayey ka been sheegaan inay iyagu bilaabeen haddana haddii ay si qumn u guran lahaayeen dalka ayaa ka faa’iidi lahaa. Waxaysa caadeysteen been, marin habaabin iyo jahawareerin joogta ah oo ku wajahan  hababka maamulka maaliyadda iyo ammaanka dalka.

Aqoonyahanna dalka ayaa iyagana ku wareeray inay fallo quman oo lagu taageeri karo dalka ka bixiyaan dareenka dalka waayo waxaa been laga sheegaa warbixnnada dawladda ay sheegto.

Guddoomiyihii hore ee Bankiga dhexe ee dalka Soomaaliya, isla markaana Wasiir ka soo noqday dawladdii ugu dambeysay ee Maxamed Siyaad, Mudane Maxamuud Maxamed Culusoow ayaa si cad u sheegay in deeq bixiyeyaasha caalamka ay xelligaan ka caga jiidayaan kaalmeynta xukuumadda federaalka sababaha aan kor ku soo sheegnay dartood. Waxayna galeen xaalad loo yaqaanno “Donor Fatigue” oo waxay ku daaleyn kaalmeynta dawlladdaan laabadii sano ee tagtay.

Dr. Culusow  waxaa uu sheegay in Miisaaniyaddii dowladda uga imaan jirtay beesha caalamka ay hoos u dhacday arrintaasina ay saameyn dhaqaale xumo keeni doonto.

Wuxuu sheegay in arrintaasi ay leedahay saameynteeda oo bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo waxyaabo kale oo lagu dabbari jiray dhaqaalaha adduunka laga helo ay istaagi doonaan, waxayna keeni kartaa in dalku galo xaalad aad u adag oo la fulin adeegyadaa iska yare e hadda la bixiyo sida mushaharaadka shaqaalaha dawladda.

Dhinaca kale waxaa jira Musuqmaasuq baahsan oo ay dawladdu sameyso, dhaqaale badan ayaa laga wareejiyaa jidkii loogu talagalay, waxaana lagu laaluushaa shakhsiyaad ama xildhibaanno, si codkooda la isugu hallayn karo. Waxaa la qoraa la taliyayaal badan oo wax la taliyaan iska dhaafe aan iyagu tashan Karin.

Dr. Culusow waxaa uu  wereysigaan siiyey SMG (Sadaal News). Halkaa hoose ka dhageyso wareysigii Dr. Culusow oo dhan.