Deegano ka tirsan Gobolka bakool oo xalay laduqeeyay

Reading Time: < 1 minute

Fahfaahino ayaa ka soo baxaya duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday deegaano ka tirsan gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.

Duqeyntaas oo sida la sheegay lagu dilay xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Ma’moodow oo qiyaastii 40-km u jira degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ay ku jiraan saraakiil oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay duqeyntaas, in kastoo aan weli khasaaraha ka dhashay laga helin faahfaahino rasmi ah.