Kulamo dhowr ah oo ay wada qaateen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka deeganka Soomaalida ee Itoobiya Mustafa Maxamuud Cumar aya waxaa looga arinsaday sidii loo taagulayn lahaa dadka ku dhaqan deegaanka Sool, Sanaag iyo Cenyn oo ay dhibaatooyin fara badan soo wajaheen, gaar ahaan culeyska siyaasadeed iyo midka ciidan ee kaga imaanaya maamulka Soomaaliland.
Si hadaba loo soo afjaro xiiriirka Somaliland isla markaana loo mideeyo beelaha Daarood ee dega deeganada Sool, Sanaag , Ceyn iyo deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa waxa uu Madaxweyne Farmaajo kula heshiyay Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Mustafa Cumar in uu dardar galiyo sidii loo sahli lahaa in beelaha labada dhinac ee walaalaha ah loo dhex marin lahaa iskaashi iyo iswalaaleysi.
Afar asbuuc ka hor ayaa ay hayd markii ciidan Itoobiyaan ah loo diray deeganka Sool, Sanaag iyo Ceyn si ay u kala dhex galaan dad walaalo ah oo halkaas isku dilay. Talabadaan ayaa waxaa xigtay in odoyaasha beelaha Daaarood oo ay hogaaminayaan Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Garaad Kulmiye Garaad in lagu marti qaado kulan wadatashi ah isla markaana lagu mideeynayo dadka dego deeganadaas. Garaad Kulmiye oo halakaas ka hadlay aya yiri dowlad anagu ma heyno waxa aanu doonaynaa in dowlad Ismamulka Soomaalidda na caawiso.
Madaxweyne Farmaajo ayaa asbucii hore sheegay in dowladda Itoobiya soo afjartay faragalinta arimaha gudaha Soomaaliya. Laakiin waxa ay u muuqataa in marka la isku keenayo beelaha uu Farmaajo ku abtisadao in ayan ahaynin faragalin laakin lagu tilmaamayo iskaashi labada dal ah. Dhanka kale qarashaadka ku baxay safarkaan iyo barnaamijka mideynta beelaha Daarood waxa laga bixiyay xafiiska MW Farmaajo iyada oo lacagta uu soo diray Wasiirka qorsheynta Qaranka Jamaal Maxamed Xassan.
Halkaan ka daawo Video kulankii Jigjiga:
[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=GbbPBs-T5OA[/embedyt]