Dwoalda Puntland ayaa bandow habeenkii ah ku soo rogtay guud ahaan Magaalooyinka Puntland. Badowga ayaa bilaabaya 6da Maqribnimo saacada Geeska Afrika waxay galli doonaan Bandow ay dowladu soo rogtay kaas oo la sheegay in uu socon doono mudo 14 casho, talaabadaan ay dawladu qaadayso ayay ku sheegtay in looga hortagayo cudurka dunidda kusii faafaya ee Covid-19.
Dowlada Puntland ayaa amar buuxa ku bixisay in si isku mid ah ciidamada uga hawl-geli doona guud ahaa Magaaloyinkaas, waxaana si rasmi ah dawladu ay alabaabada isugu laabtay Goobaha bulshadu isugu timaado sidda Meheradaha, Garoomada Kubada Cagta, Meelaha Ciyaaraha lagu daawado, Garoomada kubadda Cagta, Sidoo kale waxaa la joojiya Shirarka, Siminaarada, Aroosyadda iyo guud ahaan isu imaatinka Bulshada. Dawladu waxa sidoo kale mamnuucday qaadka, Waxayn sheegtay dhamaan cidii jabisa awaamiirta in talaabo sharcigga Waafaqsan laga qaadi doono,