Dawo Gobnimada aan Dhallanteedka ahayn ee Reer Koofuredka iyo tan lidkeeda ah ee Reer Waqooyiga.

Reading Time: 2 minutes

Markii xaaladdau ku adkeyd walaalaha waqooyiga dega waxay reer Koofureedka iska ururiyeen dhaqaale ay ku taageereen dadka ay u haystaan walaalahood ee dega waqooyiga Dalka, iyagoo iska soo jaray dhaqaaale ahaa naftaada ka qaad ee naftaada u qaad.

“Waxaa muuqata in dhaqan aynu aaminsaneyn in aannu leenahay haddaan reer waqooyi nahay inuu maanta suulay oo aynu qarka u saaran nahaya gunnimo iyo magac xumo aan laga soo kabsan Karin” ayuu igu yiri saaxiib reer waqooyi ah, “ kadib markaan soo ururinay dad masaakiin ah oo ay dani na soo badday, kuna daadinnay duur cidlaa”

Waxaana wax la layaabo ah aaway cuqaashii reer waqooyiga, aaway guurtidii reer Waqooyiga? Aaway culimadii reer Waqooyiga? Aaway hooyooyinkii reer waqooyiga, aaway ganacsatadii reer waqooyiga? haddii intaa la waayey ma la waayey aqoonyahanno sii fahmi kara cawaaqib xumada ay arrintani yeelan karto.

Magaalooyinka waaweyn ee Hargeysa, Boorama, Burco, Laascaanood iyo Berbara  waxay la ciirciirayaan Oromo iyo Xabashi qaarkood gabdho reer Somaliland ah la siiyey si looga dhigo Somalilanders, taasina waa liidnimo waayo xaq ay leeyihiin dadka reer waqooyiga ayey u muuqataa in siyaasiin wax magarata ay ku raadinayaa gunimo keeni doonta in maalin dhulkaas oo dhan lala wareego sidii Reserve area.

Dhinaca kale,  aaway Cabdi Ismaciilkii iyo senataradii dhawaan Xamar lagu doortay ee lahaa midnimaan ka shaqeynaynaa maanta ayey rabtaa qof dhab ah oo u taagan wanaagga umadda Somaliyeed oo dhan. Cidi kama qarsana in khaldaad siyaasadeed la galay, laakiin cidi kama qarasana sidoo kale  in waxa waqooyi u dan ah oo kaliya ay koofurta u dan yihiin.

Markii  caruur aad Laascanood ka soo tarxiishay Burtinle caano iyo Buskud ay uga horgeeyaan reer Puntland waa maxay reer waqooyiyow ceebta idiin dhiman iyo cuqubada idiin dhiman.

Halkaan hoose waxaa la socda laba muuqaal oo midi uu muujinayo gobnimda reer koofuredka marka ay runta gaarto iyo mid muujinaya gunnimada ka soo baxday wixi ka dhacay Laascaanood oo ay joogaan garaaddo la is lahaa waxay u taagan yihiin magaca iyo sharafta bulshada ay matalaan.

Waa dhab in Hargeysa ay ka iman karaan talooyin xunxun sida tan oo kale laakiin dalku waa dimoqraadi oo go’aanka ugu dambeeya waxaa leh bulshadada halkaas deggan si kasta oo uu Muuse Biixi u yahay askari hoosta ku haysta buuggii uu Kacaankii halaagga na baday  ka soo bartay oo maalinba baal ka dhaqangeliyo.

Haddii maanta la tarxiilay Hawiyaha iyo Digil iyo Mirifle berrina waxaa ku xigi doona Daroodka oo iyaaga qeyb weyn ka deggan gobollada beriga “Somaliland” loo yaqaanno, waxayna noqon kartaa in Garoowe lagu arko garaad maalmo qataanaa oo caano laga horgeynaya oo magangelyo doon ah oo baryayaya boqorrada maanta caanaha iyo buskudka ciyaalkii aad soo erideen dhexda uga horgeeyey.

Gobnimo sheegasho macno kuma leh ee waxay rabtaa ku dhaqan iyo muujin waxa laguu filayo, gaar ahaan maalinta lagu soo muto. Mahadsanidin reer Puntland oo muujiyey dadnimadii laga filayey walaal kula xanuunsanaya iskana kaa celinaya markaad khaldan tahay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!