Dawldda Somalia oo Bilowday Tallaabooyinkii Shirkadaha Turkiga Somaliya looga eryi lahaa.

Reading Time: 3 minutes

Waxay dawladdu bilowday u gogolxaarkii Turkiga iyo shirkadahooda dalka looga saaari lahaa, tallaabadan oo ah mid ay si aad ah uga shaqeeyeen dalalka Imaaraadka iyo Itoobiya. Madaxweyne Farmajo ayaa waddamaas u ballnaqaaday inuu Turkiga ka saari doono Somaliya waana sababta isagoo Rome jooga loogu yeeray dalka Turkiga. Waxbadan laga oga wixii uu kala soo kulmay, wlow MW Erdugan y u kala soocan yihiin Somaliya iyo dawladda Farmajo, hasa yeeshee waxaa lahubaa inuusan soo jecleysan wixii lagu soo yiri.

Dhibaatada ay dawladda Somaliya ku qabto deeqaha dawlada Turkiga iyo shirkadaheeda ayaa ah xisaabaha iyo deeqaha ay bixiyaan  ayaan qarsoomeyn oo aan la kala maamulan Karin. Tusaale shirkadda Favori xisaabaheeda waa cadcad yihiin, sidoo kale waxaan heleynaa in dhameystirka wixii lagu ballamay ay Wasaaradda duulista soo fargelisay iyadoo rabta in si kale loo maamulo, waxna laga helo.

Haddaba,  markii ay Favori sheegtay inaysan ka leexan Karin wixii lagu heshiiyey ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in dib u eegis lagu sameynayo heshiiskii shirkada Favori kaga howlgashay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasiirka duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, ayaa sheegay in heshiiska  Shirkadda Favori uu dhacayo sanadka soo socdo, waxaana ka hor inta aan la saxiixin mid cusub uu sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono waxqabadka shirkadda oo iska cad, ahna dhisidda Garoon Caalami ah iyo hawlgelintiisa dhinacyada shaqada iyo ammaanka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shirkadda ay wax badan qabatay, laakiin aysan dhaqan gelin heshiiskii lala galay 100%, isaga oo sheegay inay jiraan cabashooyin shacabka kasoo gaarayay.  Shacabka ??Waayaabe goormey dawladda Farmajo iyo KHeyre bilowday inay cabashooyin shacab dhageysato? Shacab maaha cidda ay dhageysaneyso waa koox la rabo in la naasnuujiyo, iyadoo xogtu ay leedahy waxaa la rabaa in lagu wareejiyo shirkad koox Itoobiyaan ah ku lug leedahay.

Wasiir Oomaar ayaa xusay in heshiiska cusub ee lala galayo Favori uu noqonayo mid si wanaasgan looga fiirsaday, islamarkaana dib u eegis lagu sameyn doono midka hadda dhamaadka ah. Tan oo macnaheedu yahay haddii aan wax laga helin Favori waa soconeysaa oo kuwa wax noo ogol ayaa imanaya oo diyaar u ah inay madaxda la heshiiyo oo khidmadahooda meel u saarto.

Sharikadda Favori Sidan ayey kula wareegtay garoonka 2013, laakiin hadda (hoos ka ego sawiirada ) waxay garoonka ka dhigtay mid caalami ah iyadoo dayuuradda dalkooda, dawladooda iyo adaxweynahooda uu indhaha caalamka ku soo jeediyey Somaliya.

Haddaba maanta maaha in abaal looga dhigo in lagu badalo Itoobiyaan iyo kuwa la rabo in wax xoogaa afmaris laga qaato. Wasiirka iyo kooxdiisa oo caan ku ah hawlahaan ayaa hadda wada inay dabageddiyaan waxqabadkaas muuqda.

Dhinaca kale,  waxaan xusuusannaa sidii abaaldarrida ahayd ee loola dhaqmay safiirkii Turkiga ay ee ay ka dhamaatay muddo xileeedkii uu Somaliya joogay in Farmajo uusan arkin oo uu uga baxay ballan loo dhigy inuu ku macasalaameeyo kadib markii ballantii Safiirka Turkiga lagu badalay tii Yamamoto. Waayo MW Farmajo waxaa uu u orday inuu Xalane ku soo dhaweeyo safiirkiisa Mareykanka ah(American-Somali)  ee Somaliya wakiilka fogaanshaha dheer (long Distance)ku joogi doona.

 

 

 

Mustaqbalkana haddii rabi kusimo waxaa u qorsheysan Shirkadda Favori inuu Garoonku Muqdisho noqdo sidaan sawirka hoose ka muuqataa, laakiin waa inay dawladda Somaliyeed iyo shacbiga Fahmaan inay tahay in la difaaco heshiiska lagula jiro.