Inta badan dawladaha siyaasadda aad u yaqaanna waxaa caado ah in marka ay xasarad siyaasadeed abuuranto in labuuro mid kale oo lagu weeciyo darenka ay dadka arintaan dhalatay ay ka qabaan. Sida in Somaliya la hoos geeyo Itoobiya, inaan distuurka la dhameystirin, inaan melena loo dhaqaajin wadahadalladii Somaliland iwm.
Marar badan ayaan aragnaa mdaxada Mucaaridka oo leh dadka Somaliyeed xusuus badan ma laha oo wixii shalay dhacay waa illoobaan. Hasa yeeshee hogaamiyayaasha waxaysan u fiirsan in wax la xuusuustaa ay ku xeran tahay xaaladahan:
- In ay ahaayeen wax gaar ah oo aan matal lahayn (Unique).
- Inay wax kale oo weyn oo shiiqiyaa aysan ka dambeyn.
Haddaba siyaasiyiinta caqliga leh waxay awoodaan inay mar waliba shacbiga jiheeyaan oo ay xaalado joogto ah balsa cusub oo kala duwan u abuuraan si shacbiga dareenkooda loo wareejiyo ama ugu yaraan loo wareeriyo.
Aynu soo qaadanno dawladaan Farmajo oo xariif ku ah waxaas iyo mucaaridkeeda oo ka dhacsan una arka inay mushkilad ka hortimid ay mid kale uga sii gudbto. Dawladda way abuurtaa mushkiladaha si dadka, saxaafadda iyo siyaasiyiinta ay barlamaanka ku jiraan looga wareejiyo inay ka hadlaan muddo dheer wax ay dawladdu rabin ama qorshooyink khatar ah oo ay damacsan tahay. Sida in dalka ma siirkiisa wax laga badalo iyadoon la isla ogeyn.
Tusaalaha ugu fudud waxaa uu yahay maamlimihii ugu dambeeyey waxaa aad loo hadal hayaa :
- Doorashada K/Galbeed iyo dawladda oo sii qaseysa maalin walba, si ay xaaladdu circa isugu shareerto. Tani waxay dareenka dadka ka jeedisay Kala diristii Guddiga Maaliyadda ee golaha shacbiga oo u talagal loo sameeyey xataa iyadoo la og yahay inay sharcidaaro tahay.
- Kala dirista guddiga Maaliyadda Iyana waxaa ka horreyey oo ay dareenka dadka ka jeedisay warbixintoodii iyo wixii ku qornaa taas oo aan hadda la is weydiineyn.
- Waxaa kale oo aan hadda la hadal hayn $42m oo ku maqan dawladda oo dareenka waa laga jeediyey, cidina kuma haysato Beyle, Kheyre iyo Farmajo oo ku fataalay hantidii ummadda.
- Lacagta $42M ee maqan waxay dareenka jdadka jeedisy beenihii uu sheegi jiray wasiirka Maaliyada oo qarka u saarnaa inuu xilka ku waayo si kastaba ha ku timaadee.
- Intaan oo dhan waxay shacbiga ka jeediyeen welwelkii uu ka qabay in Somaliya lagu daro Itoobiya iyo Erateriyaoo wada jira oo maanta waxaa laga doodayaa oo kaliya doorashada K/Galbeed iyo Mukhtaar Roobow.
- Waxaa kaloo dhawaan la abuuri doonaa xiisado kale sida Puntland oo si lo carqaladeyn doono ama maamullada kale midkood si aan maalmo ugu mashquullo.
- Waxaa laga hor iman doonaa Go’aanka gudoomiyaha Golaha shacbiga oo la og yahay inuu sharci yahay oo la bilaabo in la duro iwm.
Haddaba hogaamiyayaasha Mucaaridka ha joojiyaan inay ku lumaan dabeysha loo abuurayo ee mar waliba haku hawl galaan xaaladhaha dhabta ah ee dalka ka ka jira iyagoo mar waliba eegaya inay ku qabtaan dawladda waxayaabaha masiiriga ee ay ku tumaneyso intii ay ku mashquuli lahaayeen waxyaabo sixidoodu ay sahlan tahay.