Waxaan meelo badan iyo baraha bulshada ku aragnaa qoraallo nocan ah (Weerar ku wajahan Airport-ka Medina Gate, Mekka-Al-Mukarrama Hotel iyo Villa Baydhabo CXD.Qaraxyada Toyota Landcruiser Prado, cadaan ah, spare tyre calaamadda Dahabshiil ku daboolan. Toyota Harrier qalin ah. Toyota minibus BL qalin ah iyo Qooqan cad.Waxaa qorshahooda ku jiri kara iney hal-mar ku dhuftaan dhowr meelood oo kala duwan. Ka feejignaan iyo diyaar garow.)
Farriimahan oo u muuqd kuwa dhiillo iyo cabsi ku fidinaya bushada dhaxdeeda haddey run noqdaan waa baaba’ iyo halaag, haddey been noqdaanna waa cabsi iyo ka aamin bax keenaya markey run yihiin inaan la rumeysan oo sidaas ay wax u fulaan.
Waxaa kaloo ay noqon karaan arrin lagu xukumayo maanka iyo dareena dadka oo waxaa soo dira kooxaha wax qarxiya laakiin maalmo badan soo celceliya si ay dadka been ugu qaataan markii ay run yihiin oo inta laga war helo la soo diro qoraalkan la yiraahdo waa kii hore oo kale.
Waxaa kaloo suuragal ah in dawladda lafteeda ay wararkan ku fidiso baraha bulshada si shacbiga ay u cabsadaan oo ay ugu dhego nuglaadaan tallaabo kasta oo ay rabaan inay fushadaan Fahad iyo Ciidankiisa NISA, illeyn ciidan qaran oo NISA ah ma jiree hadduu jirana waa hawlgab aan wax shaqo ah qabanine. Waayo cidkasta waxay ka dharagsan tahay geesinimada ciidanka runta ah ee NISA oo haddii ay si xalaal ah u hawlgalaan ay cag marin karaan cadow kasta oo nabadda wax u dhimaya iyagoo aan wax dhib iyo dhiillo ah u geysan shacbigooda.
Haddaba waxaan is weydiin mudan farriintaan :
- Haddii ay run tahay maxaa loo soo qaban waayey gawaarida calaamadahooda iyo noocooda halka lagu sheegayo oo u muuqda inay jirto cid aragtay ama og. Misa waa fasaxan yihiin oo hawllo la ogyahay ayey fulinayaan meelo loogu talagalay iyo dad loogu talagalay ayey ku wajahan yihiin. Wa caadada kalitalisnimo oo inta weerrarro qorsheysan la fuliyo kadibna lagu marmarsimooda inay fuliyeen cadow, balsa lagu khaarijey shakhsiyaad loo dan lahaa.
- Haddii wararka farriimaha ah ay been yihiin maxa ydawladda dadka ugu sheegi weysay si dadka uu qalbiga ugu dego?
- Waxay sii kordhinayaan dareenkii ahaa in ay marwaliba jirto cid og qaraxyada oo aan xil la iska saarin wax ka qabashadooda ama aan la rabin in wax laga qabto.
Waa su’aalaha jawaabaha u baahan oo ay tahay inay lafa guraan dadka caqliga leh ee muxaafid iyo mucaaridba leh, inkasta oo uu shaki weyn ku jiro in mucaaridnimada iyo Muxaafidnimada ay yihiin astaamo huguri doon ah oo aysan eshacbi iyo dal mid dan ka lahayn.
.