Sucuudiga oo dib-u-celisey Markab xoolo ku raran oo Somaliland u dirtay Jidah

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Sacuudiga oo ku amartay ganacsatada reer Somaliland inay warqad ogolaasho ah ka soo qaataan dowlada federaalka Soomaaliya hadii ay doonayaan in dowlada Sacuudiga aqbasho in dalkeeda la keeno xoolo laga soo raray dalka la magaca baxay Somaliland.

Wareegto ka soo baxday dalkaas ayaa lagu sheegay in dowlada Sacuudiga amartay in dib loo celiyo xoolo markab xoolo siday oo haatan ku xayiran Gudaha dalka Sacuudiga.

Wareegtada Dawlada Sucuudiga oo ku qornayd afka Carabiga ayaa sidan u qorayd

Ujeedada: Celinta rarka Markabka Trust 1

Ku: maamulaha Guud ee Fulinta Dekadda Jiddah.

Og: Taliyaha Amniga ee dekedda Jiddah.

Og: maamulaha guud ee Cashuuraha dekedda Jiddah.

Kadib tixraacyada waraaqaha kor ku xusan, waxaan mudane idinku wargelinaynaa soo gaaridda markab Trust 1 ee ka yimid dawladda Soomaaliya oo sida 1634 neef oo Geel ah, kadib markii la fiiriyey lana hubiyey documents ka la socda rarka xoolahan waxaa cadaatay sidan:

Shahaadooyinka caafimaadka xoolaha ee la socda rarkan kama tasdiiqsana xagga wasaaradda.

Mudane waxaan kaa rajaynaynaa in aad fiiriso kuna amarta cidda faran in rarka markabkan lagu celiyo meeshii uu ka yimid.

Waxaa ku saxeexan:

1- Dhakhtarka maxjarka xoolaha ee dekedda.

Iyo

2- maamulaha maxjarka xoolaha iyo beeraha ee dekedda jiddah ee Islaamiga ah.

Shaambadda Rasmiga ah