Dawlada Itoobiya Oo waxay maanta oo Sabti aheyd ka qaaday Xanibaadii Internet-ka Ee La Saaray Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Reading Time: < 1 minute

Taliska Ciidanka Nabad Sugida Itoobiya ayaa Afartii Bishaan hawada ka saaray Adeega Internet-ka Deegaankaasi markii ay fadqalalo Amni daro ay ka dhaceen.

Ilaa muddo Labaatan Cisho ah oo udhiganta Seddex Todobaad uusan ka shaqeynin internet halkaasi.

Waxa Dawlada Itoobiya ay maanta dib usoo fasaxday Internet-ka waxaana lagu micneeyey in isbadelkii siyaasadeed ee dhacay qalalaasihii ka dhashay ay idlaadeen iminka.

Magaalada Jig jiga Ee Caasimada Deegaanka Soomaalida iyo Magaalooyinka Qaar ee kale ayaa dadku ku farxeen dib usoo laabashada adeega internet-ka oo halbowle u ah Shacabka deegaanadaasi.

4-tii Bishaan ayaa ciidamada Federaalka Itoobiya ay gaareen Jig jiga taasi oo xiisad dhalatay kadib uu meesha kaga baxay Cabdi Maxamuud Cumar oo muddo fog DDSI hogaaminayey,iyadoo dhawaan Madaxweyne Cusub loo doortay Mustafa Cagjar oo Reer Dhagax buur ah.