Dawlada Itoobiya oo shaacisay magacyada saraakiisha TPLF ee lagu raadjoogo

Reading Time: < 1 minute

Sida lagu sheegay warsaxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka itoobiya ayaa lagu shaacisay liiska xubnaha maamulkii TPLF ee dhawaan lagu burburiyey hawlgal lagu sheegay inuu ahaa mid sharciga lagu fulinayey.

Madaxa hawl gelinta ciidamada milatariga dawlada federaalka ah ee Itoobiya Brig.Gen Tesfaye Ayalew ayaa kulan uu warbaahinta u qabtay ku sheegay in xubnaha maamulka laga burburiyey uu ku jiro Colonel Yemane Gebremichael oo lagu eedeeyey inuu hogaaminayey xasuuqii ka dhacay deegaanka Mai Kadra iyo wasiirul dawlihii hore ee gaadiidka Mulu Gebregziabher oo lagu qabtay hawl gal ay si wada jir ah u sameeyeen ciidamada booliska iyo milatarigu, isaga oo xusay in tiro ka mid ah hogaamiyeyaasha sare ee maamulkii TPLG lagu qabtay hawl galka laga fuliyey gobolka waqooyiga ee Tigrey.

Madaxa waaxda hawlgelinta ciidamada difaaca dalka Itoobiya Gen Tesfaye Ayalew ayaa warbaahinta u sheegay in maamulkii diiday inay isku soo dhiibaan ciidanka ee la burburiyey ay madax u saraakiisha ay magacyadoodu kala yihiin.

1. Col. Yemane Gebremichael

2. Col. Alem Gebremedhin

3. Col. Biniam Gebremedhin

4. Col. Ambaye

5. Col. Masho

6. Col. Yirga Seyoum

7. Col. Hadush

8. Col. Atsebha

9. Col. Tesfaye Gebremedhin

10.Col. Yohannes Kalayou

11.Col. Tekleggziabher

12.Lt Col. Berhane Tola iyo afar kornayl oo kale oo ay weheliyaan laba ka mid ah saraakiishii maamulku.

Dhinaca kale dawlada Itoobiya ayaa sheegaysa in ciidamadu ay ku wareegsan yihiin xubno iskugu jira milatariga iyo ciidamada gaarka ah ee maamulkii TPLF. Sidoo kale Ciidanka difaaca Itoobiya ayey dawladu sheegtay inay hayaan macluumaad sheegaya in hogaamiyeyaasha millatariga ee ka hadhsan kooxda TPLF ay isku qarinayaan hawlo diimeed, masaajidyo iyo godad sida uu shirkiisa jaraa,id ku sheegay madaxa hawl galka Brig.Gen Tesfaye.