David Muhoozi oo Shegay In Ciidanka Soomaaliya aysan Noqon Karin Ciidan Awood Leh

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Uganda ayaa dhaliishay qaabka loo tababaro ciidamada Soomaalida oo wadamo kala duwan ay tababaraan waxana ay ku baaqday in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya loo tababaro ciidan wadajir ah oo amniga dalka kala wareegi kara howlgalka AMISOM.

Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda Gen David Muhoozi ayaa sheegay in dhibka heysta ciidanka Soomaaliya uu yahay in aysan helin tababar mid ah.

Warbaahinta isaga oo kula hadlayay magaalada Kampala ayaa wax laga weydiiyay sababta

Dowladda Uganda oo howlgalka AMISOM 11 Sano ku jirta aysan uga qeyb ahayn diyaarinta Ciidanka Soomaaliya.

Gen David Muhoozi ayaa sheegay in Dowladaha Uganda,Kenya,Turkiga iyo kuwo kale ay aqbalaan tababarka Ciidamada Soomaaliya iyaga oo wata aragtiyo kala duwan.

Waxaa uu intaas ku daray haddii waddamada tababaraya Ciidamada Soomaaliya ay halmeel ku wadatabaraan ay taas horseedi karto in ciidan mid ah ay yeelato kuwaas oo amaanka dalkooda kala wareegi kara howlgalka AMISOM.

Gen David Muhoozi,ayaa warbaahinta u sheegay in 1,822, Askari oo u dhashay Uganda ay dhawaan ku biirayaan howlgalka AMISOM kuwaas oo qeyb ka ah guutada 24aad ee Ciidamada Uganda.