Waxaa shalay safar saacado kooban qaatay ku yimid magaalada Muqadisho Ku-Xigeenka Xog’hayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka Mudane David Hale. Safarka Xog’hayaha ayaa waxa uu qayb ka ahaa safar uu ku marayay wadamada Geeska iyo Bariga Afrika oo ay ku jiraan dalalka Kenya, Sudan iyo Soomaaliya.
Mudane Hale ayaa ka cudur daartay la kulanka Farmaajo isaga oo ogolaaday in uu Xasan Khayre la kulmo mudo ku kooban 50 daqiiiqo . Kulan isaga iyo Kheyre ayaa waxa diirada lagu saaray Afar arimood oo ay dowlada Maraykanka ka qabto wal-wal kuuwaas oo u baahan in si deg deg waxa looga qabto si Soomaaliya horay ugu socoto:
- Dooradaha Jubbaland:Xasan Kheyre ayaa warbixn kooban ka bixiyay waxa uu ku sheegay “qalqalka siyaasadeed ee Jubbaland”, Kheyre ayaa eed dusha ka saaray Axmad Madoobe. Mudane David Hale oo warbixin buuxda ka haystay heerka ay mareyso qaban-qaabada doorashada Jubbaland ayaa u sheegay Kheyre in “dowlada Maraykanka ay ka filayso Jubbaland in ay ka dhacdo doorasho xalaal ah isla markaana looga baahan yahay dowlad Fedaraalka in ay ka joojiso faragalinta aan caafimaadka lahayn ay ku hayso Jubbaland”. David Hale oo kulamo dheeraad ah la lahaa madaxda kale ee UNSOM, AMISOM, AU ayaa u sheegay Kheyre in uu kalsooni ku qabo warbixinta iyo kalsoonida ay hay’adahaas ku qabaan geedi socodka Jubbaland, Hogaanka Jubbaland iyo Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashada Jubbaland.
- Arimaha Aminiga iyo dib u habeenta ciidanka: Xasan Kheyre ayaa sidoo kale sheegay in arimaha dib u habeynta ciidanka marayso meel fiican isaga sidoo kale soo hadal qaaday waxa uu ku sheegay “kala dirka ciidanka Al Sunna Wajameeca”. David Hale ayaa ugu baaqay dowlada Fedaraalka in ay sii dardargaliso dib u habeentna ciidanka ay hada wado. Xasan Kheyre ayaa loo sheegay in dib u dhac ku yimid bixtaanka ciidanka AMISOM iyo la wareegida ciidamada Soomaaliya. Sidaas darteedna ay lama huran tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan leh loo tayeeyo ciidamada Amaaanka.
- Dib u habeenta maamulka Maaliyadda: Dowlada Maraykanka ayaa wal –wal iyo cabsi ka qabta musuq-maasuqa baahay ee dowlada Soomaaliyeed iyo sida ay u saameysay kalsoonida ay dowlada Maraykanka ku qabto dowlada Fedaraalka. Waxaa Kheyre loo sheegay in waqti badan ay dowlada Fedaraalka ku lumisay arimaha cafiska deymaha, laakiin ay ahayd in muhiimada la saaro la dagaalanka musuqa baahay ee ka jira dowladiisa iyo dhisida hay’ado maamuli kara dhaqaalaha dalka. Waxaa loo xaqiijiyay in dowlada Maraykanka ayan marnaba taageeri doonin cafiska daymaha ilamaa dowlada Soomaali la timaadaa qaab iyo maamul lagu maareeyo dhaqaalaha Soomaaliya.
- Qabashada Doorashada 2020/21: David Hale ayaa markii uu dhagaystay warbinta Xasan Kheyre ee uu ku sheegay in ay meel fiican marayso qaban qabada doorashada 20/21 ayaa waxaa lagu adkeeyay Kheyre in Soomaaliya u baahan tahay in loo qabto doorasho qof iyo cod ah sidaas darteenta laga filayo in xukuumada in mudo labo bilood gudahood ah ay soo gabagabayso qaabka doorashada. Kheyre ayaa iskudayay in uu sheego in waxa kastaa diyaar yihiin. David Hale ayaa yiri “ doorashadu ma aha qoraal ee waa wada xaajood ay lama huraan tahay in madaxda dowlad Goboleedka ay qayb ka noqdaan, raali ka yihiin”.
Ugu danbayntii Xasan Kheyre ayaa loo sheegay in dowlada Maraykanka ay xiisaynayso in ay la shaqeeyso sadax wasaaradood oo kali ah xiligaan kala guud ah isla markaana looga fadhiyo in Dowlada Fedaraalka la shaqeeyso dowlada Goboleedyada.
Dowlada Marayakana ayaa caado ay u tahay in ay si gaar ah ula dhaqamaan xukuumadaha ay u arkayaan in ayan haysanin kalsoonida Shacabkeeda. Gunaanadkii ama bilihii ugu danbeeyay ee dowladii Xasan Shiikh ayaa madaxda Maraykanka waxa ay ka diideen in ay la kulmaan Xasan Shiikh iyaga oo diirada saaray oo kali ah wasaaraadaha gaarka ah ee ka shaqeeya danaha ay xiisaynayso dowlada Maraykanka.
Halkaan ka aqriso kulan Kheyre iyo David Hale oo la soo koobay: