Darawalkii Gudoomiyaha Degmada Kaxda oo Gudoomiye degmo loo Magacaabay

Reading Time: < 1 minute

Wareegto kasoo baxday Duqa Muqdisho ayaa xilkii looga qaaday mid kamid aha Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Guddoomiyihii degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil ayaa xilka laga qaaday, waxaana lagu bedalay Mahamed Yusuf.

Ninka cusub ee xilka loo magacaabay waxa uu ahaa Darawalkii u horeeyay ee Guddoomiyaha xilka laga qaaday Maxamed Ismaaciil, horey ayuu shaqada ugu eryay.

Majirto faah faahin dheeri ah oo ku saabsan sababaha keenay in xilka laga qaado Gudoomiyihii degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil.