Wararka laga helayo deegaanka Weeydoow oo ku yaalla duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaasi lagu dilay Wiil Dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ahaa Darawal Mooto Bajaaj.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Weeydoow ayaa waxaa ay sheegeen in Wiilka Dhalinyarada ah oo watay Mooto Bajaaj ay rasaas ku fureen askar la socotay Gaari nooca dagaalka gaar ahaan Cabdi bile,isla markaana rasaastii lagu riday uu u geeriyooday.
Wiilka Dhalinyarada ah ee la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cali Maxamed Warsame,waxaana saacado badan kadib la sheegay in meydkiisa ay goobta ka qaadeen qaar ka mid ah eheladiisa oo Goobta tegay.
Weli macada sababta Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda ay u dileen Wiilka Dhalinyarada ah kana mid ahaa Darawalada ku Shaqeysta Mooto Bajaajka,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in Ciidamadii rasaasta ku furay ay socodkoodii iska-sii wateen.
Magalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilalka loo geysto dhalinyarada ku Shaqeysata Mooto Bajaajta,hayeeshee haatan ay u gudbeen dilalka duleedka Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho.