Darawal 15-maalin u Afduubnaa Ciidamada Dowlada ka dibna reerkiisu Tacsi u dhigeen oo la heley!!

Reading Time: < 1 minute

Nin Wade ka ah Gaari Caasi ah ayey Ciidanka Dowladda ka afduubteen Degmada Afgooye oo Gobolka Shabeellaha hoose muddo 15 Maalmood ka hor ah.

Darawalka Gaariga ayey Ciidanka ku xireen Guri ku yaalla Degmada Afgooye,waxaana ay Gaariga u adeegsanayeen sida Gaari Ciidan.

Qoyska Darawalka ayaa tacsi u dhigay Ninkan markii ay ka quusteen in la helo maaddaama ay ka raadiyeen Xabsi kasta,waxaa sidoo kale asaay loo saaray xaaskiisa.

Laakiin Milkiilaha Gaariga la afduubtay,C/Wali Maxamuud ayaa maalin isaga oo raadinaya Ninka wadaha ahaa iyo Gaariguba waxaa uu Gaariga oo ay wataan Ciidanka Dowladda ku arkay Waddada isku xirta Afgooye iyo Wanllaweyn.

C/Wali Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho ayaa ka sheegkeeyay sida ay wax u dhaceen halka uu ka billaabay baaritaankiisa iyo sida uu ku helay ugu dambeyn.

Waxaa uu u tagay Ciidan ka tirsan Dowladda oo ay is garanayeen,waxaana uu weydiiyay askarta Gaariga wadatay iyo cidda Gaariga leh.

Askarta ayaa u sheegay in Gaariga laga leeyahay Degmada Afgooye,islamarkaana Ciidanka uu leeyahay taliye ay isla yaqaanaan oo ay Magaciisa u sheegeen.

Intaas kaddib C/Wali oo ah Milkiilaha ayaa dadaal iyo Lacagba ku bixiyay sidii uu ku heli lahaa wiilka oo Guri ku xiran,waxaana ugu dambeyn u suuragashay in Daafeedoow oo ah Wadaha Gaariga la helo isaga oo gacmaha iyo Lugaha ka xiran kuna xiran Guri ku yaalla Afgooye.