Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Masar iyo Jaamacadda Carabta oo Geeriyoodey

Reading Time: < 1 minute

Allah u naxariistee waxaa saaka cisbitaal ku yaala magaalada Kuwait ku geeriyoodey danjire Cabdiqani Maxamed Waceys oo ahaa Safiirkii Dowladda  federalka ah ee Soomaaliya u fadhiyey dalka Masar.

Danjire Cabdiqani Maxamed Waceys ayaa ahaa diblomaasi waayo arag ah, oo in mudo ah kasoo shaqeeyey Wasaaradda arimaha dibadda ee Dowladda Soomaaliya laga Bilaabo 1970kii ilaa wakhtiga 2020.

Allah u naxariistee danjire Cabdiqani waxaa la sheegeyaa inuu u geeriyoodey cudurka macaanka oo in mudo ah  uu la noolaa.

Diblomaasiyiinta ay soo wada shaqeeyeen danjire Cabdiqani waxay ku tilmaameen inuu ahaa shaqi aad u qiimo badan oo u tababaran