Danjiraha Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa kulan fogaan arag ah la qaatay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte iyo madax kale ee caan ka ah gobolka Hiiraan.
Danjiraha ayaa u gudbiyay taageerada Mareykanka ee howlgallada ka socda Hirshabeelle. Maraykanka ayaa kamid ah saaxiibada sida dhow uga qeyb qaatay dagaaladii Alshabaab looga saaray Hirshabelle.
Kulanka oo ahaa mid fogaan arag ah ayaa kusoo aaday xilli Dowladda Maraykanka ay qorsheynayso inay ka qeyb qaadato wajiga labaad ee howlgalka dib u xoraynta Hirshabeelle, iyadoo gobolka Hiiraan uu kamid yahay meelaha uu weli Shabaanku ku sugan yahay, gaar ahaan degaanada dhinaca galbeedka Hiiraan.
Mareykanka ayaa horey u taageeray kacdoonka shacabka Hiiraan ee ka dhanka ah Al Shabaab, kacdoonkaas oo ka dhashay kaddib markii Alshabaab ay gubeen tuulooyin, goobaha ganacsiga iyo ceelasha biyaha ay ka cabayeen haweenka, carruurta, dadka waa weyn iyo xoolaha, xilli ay dadka saameysay abaarta xooggan.
Danjire Larry André oo maalmaha soo socda xafiiska bannaynaya ayaa kulankan uu la qaatay guddoomiyaha gobolka Hiiraan u muuqda mid sagootin ah, kadib muddo dhowr sano ah oo uu hoggaaminayay howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya.
Danjiraha dalka Maraykanka ee Soomaaliya oo qaabilay gudd. Gobolka Hiiraan
Reading Time: < 1 minute