Dani oo ku adkeystay inuu doorashada kuraasta hartay uu qabto maalin Jimco ah

Reading Time: < 1 minute

Guddiga Maamulka Doorashada Puntland ayaa maanta lagu wadaa in ay diiwaangeliyaan msuahrixiinta u tartamaya doorashada lixda kursi ee ka harsan xubnaha golaha shacabka ee laga soo doorto Puntland.

Kuraasta maanta musharixiinta loo diiwaan gelin doono ayaa waxaa ka mid ah Hop#198, Hop#199, Hop#191, Hop#073, Hop#221,Hop#129.

Doorashada lixda kursi ayaa  la qaban doonaa 18 Maarso oo ku beegan maalinta beri, sida ay horey u sheegeen guddiga doorashooyinka Puntland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in muran uu ka taagan qabashada doorashada kuraasta kala ah Hop#198 iyo Hop#199.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay guddiga u qareemayaasha Kootada Haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha fursadsiinta Haweenka ku metelaya Puntland labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo guud ahaanba doorka Haweenku ku leeyihiin Puntland.

kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Shiikh Axmed Gabale oo hoggaaminaysa Guddiga, xubno guddiga ka mid ah iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Puntland Marwo Khadra Warsame Jaamac.