Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ayaa si kulul kaga hadlay dhacdooyinka argagaxa leh ee ka dhacaya Magaalada Caasimada ahee Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa si isku mid ah ucamaareeyay dhacdooyinkaasi iyagoona eedeeyn ujeediyay xukumada Soomaaliya.
Xildhibaan Qarfaa oo kulankja ka hadlay ayaa sheegay in wax la aqbali karo ayesan aheen Xaalada amni daro ee ka jirta Magaalada Muqdisho.
Sidookale Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay inuu aad uga xumaaday dhacdadii lagu gubay Axmed Dawlo, waxuuna xusay in wax lala fajaco ee tahay waxa dhacaya,
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa dhankiisa sheegay in Guddoomiytaha Golaha Shacabvka uu duiiday inoomka hadlo xaalada amni ee dalka oo faraha ka sii baxeyso, waxuuna iuntaas kudaay in loo baahan yahay isla xisaabtan dhab ah.
Xildhibaanada Hani ayaa iyaduna dhankeeda ka hadashay Haweney lagu magacaabi jiray Aamina Xuseen oo lagu dhex dilay jaamacada soomaaliya oo ay wax ka baraneesay, waxeyna tacsi udirtay qoyskii iyo ehladii ay ka baxday aamina.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku baaqay in si dhab ah la iskula xisaabtamo, waxayna sheegen mas’uuuliyada amni daro ee Muqdisho xukumada ay qaadeyso.