Markii Barlamanka Somliyeed ee mahadsan ay talada dalka markale ku soo celiyeen MW Xasan Sheekh Maxamuud si uu u dhameystiro qabyadii kal hore ka hartay waxay ogaayeen inuu dalka u baahan yahay :
- Hogaan leh ragti fog oo fahmi kara sida si dhakhsa ah ay isugu badaleyso siyaadda adduunka oo ay Khasab tahay inaan ka soo baxno Xeyndaabkii siyaasadeed ee ay Na geliyeen Itoobiya iyo Erateriya oo isku dhinac ahaa mar waliba, laakiin noo been guurayey, taas oo ka dhalatay siyaasadda MW hore Farmajo oo aaminsan in la kala adkaado ee aan la heshiin. Xasan Sheekh ayaa laga hayaa “Somali kalama adkaato ee waa heshiisaa” .
- Hogaan garan kara, dareemi kara Xanuunka ay Somaliya muddo la ildarneyd oo ah Shabaab, taas oo keentay in la awoodi waayo in wax horumar ah uu dalku sameyn karo cid kasta ha hogaamisee.
Haddaba, barlamanka oo u badan dhallinyaro leh mustaqbal fog oo raba inay dalkaan ka sameystaan nolol wanaagsan ayaa go’aansaday in Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay qofka ka saari dalka laba qodob:
- Xeydaabka iyo go’doonka siyaasadeed ee ka dhashay habdhaqankii iyo hogaamintii MW Farmajo iyo
- Shabaab oo muddo dalkaan dhib ku hayey dadkiisana wadar u laaynayey.
Barlamanka Somaliyeed Kuma aysan khaldamin go’aankoodii waayo muddo lix bilood ka yar ayaa waxaa soo muuqday guulo waaweyn oo lagu farxo kuwaas oo laga arki karo labadii qodob ee muhiimka ahaa ee loo soo celiyey MW Xasan Sheekh inuu wax ka qabto.
Siyaasadda dalka waa furfurantay oo bari iyo galbeedba waa laga soo dhaweeyey, waddamada deriska waxay ku qanceen hogaaminta MW Xasan Sheekh, sidoo kale Galbeed ayaa iyagana ku qancay oo waxaa lagu casuumay halka looga taliyo dalka hogaamiya siyaasadda Galbeedka oo ah aqalka cad iyo dalka Mareykanka oo aan mar iyo laba ahayn. Lagama tagin waddamadii aan xeydaabka aan ugu jirnay oo iyaga ayaaba laga bilaabay, mana qabaan maanta caloolxumo iyo xiiso ay u hayaan hoggaankii hore ee Farmajo oo meel ugu xernaa.
Dhinaca kale, waxaa kulamo mira dhal ah uu la qaatay MW Xasan Sheekh hogaamiyaha dalka dunida ugu dadka badan ee Shinaha, kaas oo ku dhacay jawi aad u wanaagsan. Xaajaduna waxay noo tahay Bari iyo Galbeed waxaan la nahay heshiis waxaana kala shaqeysaneynaa danaheenna.
Laakiin qodobka muhiimka ah waa hawsha qiimaha badan ee aan taa ka dhicin dhakhasan loo dareemey guusheeda ee laga qabtay gudaha dalka. Waxaa Shabaab laga xoreeyey dhul aad u badan oo ay dadka ku dhibi jireen oo ku baahsan goboladda Sh/Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug. Waxaana ugu dambeysay oo laga faramaroojiyey, iyagoo ka huleeleya maalin cad xaruuntii ay dadka ku dhibi jiray ee ay talada waxashnimana ka soo gooyn jiree Aden Yabaal.
Waa dhab in dhibaatooyinka shabaab aysan muddo kooban ku dhammaaneyn oo maaha ciidan meel haysta oo lagala wareegay kadibna la ilaaliyey, laakiin waa feker dhameyntiisu ay muddo qaadan doonto, waxaana dadka Somaliyeed looga digayaa inay adkeysi u yeeshaan falalka arxandaro oo ay meelo ka sameyn karaan shabaabka inta laga nadiifinayo, shacabkuna waa inay ka qeyb qataan haddii ay rabaan nolol aysan ilmahooda iyo hantidooda u cabsaneyn. Waa la hubaa inay isku dayi doonaa inay shacbiga cabsi geliyaan kuna gabbadaan diinta Islaamka ee Nabadda iyo wanaajinta aadanaha uu rabbi u soo dejiyey.
Barlamanka ma khaldamin markii ay aamineen hal ku dheggii MW Xasan Sheekh ee ahaa “ Somalli Heshiis ah, Dunida Heshiis la ah”. Dalkaan Muddo gaaban oo lix bilood ayaa meel fog uu ka soo celiyey MW Xasan Sheekh, waxana sugeynaa marka ay lix u bilood u dhiman tahay dowladda MW Xasan Sheekh halka aynu joogo inuu nasiibka iyo cumriga nagu simo, intaanna waxaan uga mahadneynaa Rabbigii na makaniyey.
Baxsan ahn ayaa ina leh “Eebow Mahaddaa”