Dalka Taiwan oo agab caafimaad ugu deeqday Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Wakiilka dalka Taiwan ee dalka la magac baxay Somaliland oo agab caafimaad ku wajeeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ee Somaliland.

Xafladda agabkan Caafimaad lagula wareegayay oo ka qabsoontay hall-ka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa waxaa kasoo qayb-galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Wakiilka dalka Taiwan, agaasime ku xigeenka Cusbitaalka guud ee Hargaysa, Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Wasaaradda, saraakiil ka socotay Safaradda Taiwan, Shaqaalaha Caafimaadka mudan iyo marti sharaf kale.

 Waxaa halkaa ka hadlay Agaasime ku xigeenka Cusbitaalka guud ee Hargaysa, isagoo ka waramay agabkan Caafimaad iyo sida uu uga qayb-qaadan doono dadaalada ka socda Cusbitaalka.

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay oo ka waramay agabkan Caafimaad iyo waxyaabaha uu ka kooban yahay, Wakiilka Taiwan ee Somaliland, isagoo hoosta ka xariiqay in ay marwalba diyaar u yihiin inay Wasaaradda kala shaqeeyaan arimaha Caafimaadka, agabkan Caafimaadna uu ka mid yahay taageerada joogtada ah ee ay Taiwan siiso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.