Dalka iyo dadka waxay maanta u baahan yihiin in la badbaadiyo (Qormo)

Reading Time: 3 minutes

Waxaa ah xaqiiq la wada og yahay in doorashada Maxamad Cabdullahi Faramaajo ay ahyad
mid lala wada yaabay, dadkii samaynayey qaymaynta tartamayaasha midna kuma soo darin afarta qof ee ugu horraysa, haddana dhacday oo waa tuu ku soo baxay Faramaajo asagoo weliba wata aqlabiyad xooggan. Nasiibkiisa iyo masiibo cusub ee la yiraahdo lacagta Qadar ayaa taas sababtay. Yaanan wax badan lagu daalin madxweynaha sida shilka ah ku soo baxay ee aan hoos u eegno waxa uu sameeyey inta uu talada dalka hayey.

Wuxuu Soomaali oo dhan ka galay danbi ah inuu soo magacaabay PM nin aan laga fiirsan ee samada maraya oo weliba in dadka qaar aaminsan yahay inuu dhimirka wax ka qabo. Gabood falkaas wuxuu ku dhacay Soomaali oo dhan, gaar ahaan ayada oo dad u badan xaabo ama shinbiryahow heesa lagu teedshay xilkii qaranka. Waxaa Faramaajo iyo Kheyre afduubeen hannaankii dimoqaradiga ee baarlamaaniga ahaa ayaga oo isticmaalaya lacagta Qadar iyo tan danyarta Soomaalida laga soo aruursho. Baarlamaanka waad og tihiin oo wuu hawlgabay.

Wuxuu noqday meel fulinta toos amar u siiso. Lamaanaha wadaaga talada dalka ee Farmaajo iyo Kheyre waxay horeba ugu qaadeen dagaal furan Puntland ayaga oo mid mid uga sifeeyey masuuliyiin hayey xilal door ah sida Agaasimayaal waaxeed iyo kuwo Guud, safaarado iwm. Waxaa Puntland lagala diriray meel fara badan sida wax barashada oo ugu dambayn laga adeejiyey wasiir Goodax oo ah nin uu hadba Kheyre yiraahdo his qabo qofka uu rabo inuu xumeeyo.

Iyada oo Puntland la qabto maamul goboleedyada kale, waxaa Villa Somalia ka oomisay
Puntland xuquuqdii ay ku lahayd dhanka taageerada caalamiga ah ee ay Soomaaliya dibedda ka hesho. Ma aaminsana ragga Villa Soomaaliya wax la yiraahdo Federal System, waxay ku haaminayaan hab kaligi talis ee Soomaaliya ka suulay 30 sano ka hor, taas oo Puntland hormuud ka ahayd. Waa suure in taas lagu ciqaabayo Garoowe iyo dadka Puntland ka soo jeeda.

Lamanaha wadaaga talada dalka ee aan cidna la qaybsan waxay damceen inay Puntland u
dhiibtaan qof ayaga u shaqeeya oo leh naynaastga Lafta Gareen. Nasiib wanaag waa tii
xildhibaannada Puntland ay ka hoos guuran khayaamada Xamar ka imaanaysa oo ay weliba
adeegyaal ka ahayeen wasiirro iyo xildhibaanno ka soo jeedda deegaanka Puntland. Ma aha sir in Madaxweyne Gaas uu u diiday dhowr camiil oo reer Puntland ah inay Garoowe ka soo
dagaan.

Ugu dambayn, waa la wada ogsoon yahay waxashnimada ay lamaanahu sameeyey markii ay hareer mareen tartankii Guddoomiyaha bangiga dhexe ee uu ku guulaystay xubin ka soo jeedda Puntland. Sida la filayey waxay ahayd in qof reer Puntland loo magacaabo mansabkaas, mase dhicin oo waxay ku doodeen waxaannu gelin tartan caalami ah. Waa mid baal maraysan hab dhaqanka jira ee 4.5 ayadoo dadkii hore u banneeyey kaabyaasha qaranka lagu beddelay dad beeshooda ah. Taas iska daa oo markii tartankii la arkay in reer Puntland ku soo baxday ayaa Gaal xoog loogu janjuumay, ka dib kacdoon shacbi iyo xildhibaanada qaar ayaa laga baqay gaalkii la watay, waxaana jeebka lagala soo baxay nin ay raisalwasaraha wada lahaayeen makhaayad ayna gabadh kala qabaan, kuna jiray dadkii Kheyre u soo dirsay inaay Gaalka soo xulaan, yacni guddiga xulidda

Isku soo duuduub, Farmaajo iyo Kheyre waxay u dhoowdahay inay berri Garoowe idiinku
yimaadaan idinkoo hore u sharfay oo ugu soo baxay sidii hogaamiye qaran. Maanta waxaa cad inay noqdeen hogaamiye daneed hoose oo weliba cadaawad cad u haya deegaanka Puntland.

Waxaa shacabka lagu boorinayaa inay muujiyaan dareenkooda ah inay ka xun yihiin in dalku uusan lahayn hogaamiye qaran. Yaan la soo dhawayn ninka hurda iyo ninka samada maraya ee hadda leh naynaasta Baarqab.

W/Q. Abdi Jama Raage
[email protected]

[su_box title=”Disclaimer – AFEEF” style=”noise” box_color=”#e33333″]Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Muqdisho Online. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu soo gudbiyo aragtidiisa haddii ay qanciso tafatiraha MOL waxaan u soo gudbineynaa akhristeyaasheena. Waxaad ku soo hagaajin karta fekradahaada [email protected][/su_box]