Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Dahir Maxamuud Geelle ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay qabato doorashooyinkii hore oo kale, ayna u qabato sida hannaankii hore.
Dahir Geelle ayaa sheegay in aanay dowladda hada jirta xaq u laheyn inay wax ka bedesho hannaanka doorashooyinka, maadaama ay ku guuldareysatay amniga meesha uu joogo inay ku heyso oo uu hoos uga soo dhacay.
Isagoo ka hadlayay marxaladihii doorashooyinka ee soo maray dalka ayuu xusay in marba meel la keenayay doorashooyinka, isagoo ku baaqay in siyaasadda maanta aan kalsoonida laga dilin.
Mar uu ka hadlayay kuraasta Baarlamaanka ee la wareejiyay ayuu ku tilmaamay inay tahay qofka kursiga ku fadhiyo aanu xaq u laheyn in meeshi uu ka soo heli karo inuu geysto, waxaa uu tilmaamay in tartankii shalay uu ku yimid uu ku galo, isla markaana kursiga aanu noqon rabitaan shaqsi ah.
“Dowladdu doorashooyinkii hore ha qabato, iyo hannaankii hore ha u qabato, kama aysan soo reyn xaga amniga, kama aysan soo reyn maamul goboleedyada iyo isla socodkii, hala wada hadlo, siyaasiyiinta aan ka mid nahay hala tashato, doorashooyin aan isla ogolnahay aan qabsano, kii calaf u helo aan la shaqeyno, waxaa ku jirta midnimadeena iyo walaaltinimadeena”ayuu yiri Dahir Geelle.