Dagmo Ka Mid Ah Dagmoyinka Muqdisho oo Xalay Sedex Ruux Lagu Dilay

Reading Time: < 1 minute

Warar inaga soo gaarayo magaalada muqdisho ayaa shegaya in dilal Xalay siyaabo kala duwan uga dhacayn degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Illaa 3 ruux oo ay ku jiraan Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in lagu dilay Nawaaxiga Jaamacaddii Gaheyr ee degmadaasi.

Mid ka mid ah 3-daasi ruux ayaa la sheegay in la toogtay, xilli uu ka soo baxay Misaajid ku yaalla Xaafadaasi.

Waxaana ay sheegeen in Marxuumintaasi ay isugu jireen Askar iyo dad kale oo u shaqeynayay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmadaasi oo ku aadan dilalkaasi.