Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo duqeyn lagu dilay

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in duqeyn dhanka cirka ah ay ku dileyn ku dhawaad 70  dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab,Sida  lagu shaaciyay Warbaahinta dalkaasi.

Hawlgalkaaan ayaa waxaa fuliyay ciidmada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM  kuwaasi o ku sugan qeybo ka mid ah Koonfurta iyoBartamaha Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Cirka Itoobiya General Yilma Merdassa ayaa sheegay in  duqeyntaan sidii loogu talagalay ufushay,sidookale waxuu itaas raaciyay in hawlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ay sii xoojin doonaan.

Ciidanka Itoobiya ayaa qeyb ka ah ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya waxaymna inta badan dagaalo la galaan dagaalyahanada Al-shabaab oo dagaal kala soo horjeeda Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.