Dagaalo ka dhacay duleedka jowhar oo ay ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawac

Reading Time: < 1 minute

Dagaal xoog leh oo u dhexeeya ciidamada dowlada federalka iyo Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa ka dhacay deegaano dhinaca Bari ka xiga magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal xoogan oo ka dhacay halkaas uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in lagu diley qaar ka mid ah ciidamada dowlada  oo uu ka mid ahaa taliyihii ururka lixaad ee ciidamada Gorgor Maxamed Cabdiwaaxid.

Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay ka wadeen howlgalo deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe iyadoo howlgaladaana uu horkacayo taliyaha ciidamada xoogga dalka General Odowaa.