Wararka ka imaanaya magaaada Lascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay uu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyey ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka degaanka.
Dagaalkaasi ayaa wararku sheegayaan in uu ka dhacay dhinaca bari ee magaalada oo ku beegan Gooja-Cadde uuna billowday xalay fiidkii 9:45 daqiiqo uuna socday muddo 40 daqiiqo ah, sida ay sheegeen dhinaca SSC-da.
Lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi oo socday mudada kooban laakiin waxa la sheegayaa in dad u badan rayid inuu khasaare ka soo garaay. Labada Dhinaca ee ku dagaalaya Laascaanood kama ayasan hadlin dagaalkii xalay ka dhacay Laascaanood.