Dagaalkii maanta ee Buqdharkaynka oo maxaabiis & hub-looga-qabsaday-Somaliland

Reading Time: 2 minutes

Dagaalkii  cuslaa oo u dhexeeya ciidamada maamulka SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland ee saakay ka dhacay deegaanka Buqdharkaynka ayaa Somaliland waxaa looga qabsaday baabuur, hub iyo maxaabiis.

Dowlada SSC-Khaatumo ayaa soo bandhigtay maxaabiix ay ka abten Somaliland. Sadax kamid ah maxaabiista ay qabteen Ciidamada SSC-Khaatumo waa askar ka tirsan Guutada Birjeex ee ciidanka Somaliland labo  kamid ah waa Habarjeclo mid kalena waa beesha Samaroon.

Ma aha markii u horeeysay ee ciidamada Somaliland ay jab kala kumlaan dagaalka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo. Waxaana muuqato in ayan Somaliland haynin qorsho dagaal ay kaga guuleysan SSC-Khaatumo.