Dagaalka Shabaab, Uyeeridda Wasiirrada iyo Maxkamadda Musuq Maasuqa waa Tallaabo Farxad leh.

Reading Time: 3 minutes

Waxaa bilowday buuq, cabaad iyo eedo fara ku fiiq ah kuwaas oo inta badan looga dan leeyahay inboorka lagu qariyo khaldaad ay seefta sixidda ku soo socoto. Ma jirin dowladihii hore in wasiirka ay soo fadhiisiyaan guddiyada barlamanka, iyadoo ay saxaafadda goob ka tahay ama in toos loo daawado maxkamadeynta maamulka iyo musuq maasuqa dalka, waxaana hadda si toos loo dawadaa eedaha iyo eed is ka duwidda dacwoodaha iyo eedeysanaha, Gar maqalka Garsoorka, su’aalaha kulul ee gudiyda barlamanka iyo is difaaca habeysan ee wasiirada dalk.

 Haddaba falalkan hoose ayaa waxay muujinayaan in dowladnimadii dalka ay so noqotay:

  1. Dagaalka shabaab ee uu Madaxdweynaha horkacayo.
  2. Hogaaminta xukuumadda ee habsami u socoshada hawlaha dowladda oo uu RW Xamza hor kacayo.
  3. Korjoogteynta Guddiyda iyo Guud ahaan golaha shacbiga oo uu horkacayo guddoonka golaha.
  4. Iyo Caddaalad sugidda oo ay maxakamadaha iyio garsoorka dalka uu horkacayo.

Waa guulaha waaweyn oo ay dowladdaan muujisay, una baahan in lagu taageero oo aan ammaan kaliya loogu siman.

Waxaad maqleysaa qeylo dheer oo ka kala imaneysa ila kala duwan sida saxaafadda xorta ah, kuwa daneysan ee NN iyo baraha bulshada oo dhamaantood tilmaamaya goobo uu musuq maasuq ka jiro inkastoo ay ujeedooyin kala duwan ka leeyihiin tilmaamiddaas. Waxayna dowladdu u aragtaa inay dhamaantood yihiin kuwa ay dowladdu ugu faa’iideysan karto dhinacyo kala duwan.

Tilmaamida musuq maasuqa ayaa iyada lafteeda ah wax waaagsan oo keenaya inay dowlada aragto hay’addaas ama masuulkaas ama shirkadaas oo qorshaha lagu darsado in laga duldago sida ugu dhakhsaha badan.

Dadka qaar ayaa soo jeediya su’aalo ah maxaa meeshaas looga bilaabay iyo maxaa qof hebel looga bilaabay? Hasa yeeshee waxaa run ah inay jiraan wax waliba wax dhaqaajiya iyo in mar waliba danta shacbiga oo ah indacwad kasta laga gaaro natiijo cadaalad ah ay khasab tahay in meel uun laga bilaabo, waana sida hadda la leeyahay. Ma jiri doono qof  la dhaafayaa ee waa lakala horreynayaa. Xeer ilaalinta qaranka iyo Dacwad oogayaadsha ayaa soo gudbiya gal dacwadeed marka ay arkaan in halkaan ay ku jirto arrin ay khasab tahay in la horgeeyo garsoorka dalka si khaladkan loo saxo.

Dhinca kale Xeer ilaalinta caalamiga ma hor geeyaan maxkamadaha dacwad aysan ku qancin inay ku guuleysanayaan waana habdhaqan caam ah.

Isku soo duub saxaafadda iyo shakhsiyadka adeegsada baraha bulshada iyaga laftooda ma ahan fara laga qaad waxay tabinayaa waa lagu la xisabtamayaa, cid kasta oo ay wax ka sheegayaan wa inay u cadaalada falaan oo ciddaas lafteeda xiriir la sameyaan si ay ugu fogaan inay eedeyn hal dhinac ah ay baraha bulshada ku soo tuuraan, taas oo xataa haddii ay eedu sax tahay oo ay sidaas u jirto waxaa ka maqan caddaladdii, waana in lagula xisaabtamaa kooxaha caadeystay inay dad iska fulaan iyagoo u adeegaya dano siyaasadeed.

Dalka waa inuu marwaliba ka sarreeyaa danaha siyaasadeed, cid kasta oo taas ku xadgudubtaana waa inay maalin uu bixisaa cawaaqibka xadgudubkaas. Ha ogaadeen dadka xadgudbayaa in la xukumi karo iyagoon la ogeyn magacooda iyo meesha ay joogaan sida la oran karo qofka sameeyey muuqaalkaas waxaa uu ku dhacay dembiga noocaas ah sidaas darteed waa eedeysane baxsad ah, boliiska iyo hay’adaha amaanka waa inay soo qabtaan marka ugu horeysa oo ay suuragal tahay.

Maalmihii tagay waxaa muuq baahiyaha iyo raadiyaha SNTV laga arkayey wasiirro lala xisaabtamayo oo lagu haysto go’aamadooda maamul kadib markii shaki la geliyey inay ka leexden habraacii wasaaradahooda, taasina waa guul weyn oo ay dowladdaan gaartay, mudan tahay in llagu taageero. Soo qabashada iyo tilmaamidda khaldaadka maamul waa hababka looga hortagi karo musuq maasuqa nooc kasta oo uu yahay sida wax isdaba marinta maaliyadda, arrimaha buslahada, boobka goofafka iyo dhulalka dadweynaha, shaqo bixinta iyo garsoorka.

Ugu dambeyn bal qof walbow qiyaaso dalkan oo shabaab ka xor ah, musuq maasuqa oo aad looo yareeyey, caddaaladda iyo garsoorka oo heer sare la gaarsiiyey iyo kheyraadka dalkeenna oo aannu la soo baxno uguna noolaanno sis iman. Maaha wax aan la gaari karin waxaasa lagu gaari karaa oo kaliya in wadajir loo shaqeeyo sannadaha soo socda iyadoo aan loo eegin cidda hogaanka haysaa balse loo eego maxsuulka hogaankaas oo ah Caanaha Maandeeq oo loo siman yahay.