Todobaadkii saddexaad ayuu galay dagaalka ka socda xarunta gobalka Sool ee Laascaanood. Dagaalka saakay ayaa hubka noociisa kala la isku isticmaalay aan iyaga oo Ciidanka Somaliland doonayaan inay kula wareegto gacan ku heynta magaalada Laascaanood.
Dagaalka ayaa aroornimadii hore ee saaka dib uga bilowday magaalada, kadib weerar ciidanka dowlada Somaliland soo qaadeen. Dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda culus ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Laascaanood.
Shalay, ciidamada Somaliland oo saddex jiho kasoo weeraray magaalada kuwaas oo la sheegay in khasaare weyn kala kuleem dagaalkaas
Dhanka kale isimadda dhaqanka we Dhulbahante ayaa ku eedeeyay madaxweyne Muuse Biixi inuu caadeystay in magaalada ay ku garaacaan madaafiic aan loo meel dayin.