Xooggaga Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa saaka duullaan ballaaran ku soo qaaday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, waxaana halkaa hadda ka socda dagaal culus.
Waxaa la dagaallamaya ciidamada dowladda Soomaaliya oo isugu jira booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kumaandoosta Gorgor iyo milateriga.
Dad deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka xooggiisa uu hadda ka socdo xarunta Inji, xero gadiid, madaxtooyada, cisbitaalka guud iyo saldhigga booliska.
“Marba dhinac ayaa la riixayaa oo weli xabbadu way socotaa. Mana jirto cid ku adkaatay ilaa hadda dagaalka,” ayuu yiri qof la hadlay Idaacadda BBC.
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay dad u badan dhinacyda dagaalamay, waxaana ilaa iyo hadda la xaqiiyay geerida Cabdulkhadir Alamagan oo kamid ahaa ilaalada gaarka ah ee Wasiirka waxbarashada Galmudug & Cabdalle jaamac indho maleh oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Ahlusunna.
Xalay ayaa magaalada waxaa ka jirtay cabsi dagaal kadib markii la ogaaday in xooggaga Ahlu Sunna ay ka soo dhaqaaqeen farriisinkooda deegaanka Bohol oo qiyaastii 30 KM waqooyi uga beegan Dhuusamareeb.